Naqshadeynta dharka casriga ah ee Soomaalida iyo dhaqanka

Dharka oo loo habeeyo loona naqshadeeyo si casri ah oo misana dhaqanka ka tarjumaysa waa mihnad adag oo u baahan xirfad iyo aqoon gaar ah, gaar ahaan markii ay timaado in dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida laga sameeyo dharka aroosyada ee taashashka ee casriga ah.

 Bosteeyo waxay ka mid tahay Soomaalida naadirka ah ee ka shaqeeya habka casriga ah ee loo naqshadeeyo dharka, waxayna howshan bilowday Sanadkaan 2016

Bosteeyo, waxa ay ku haminaysay in ay mar uun dhar naqshadeyso markii jaamacadda dhameysay  waxaa ka go’neyd in ay soo bandhigto dhar aroos oo naqshadeysan oo muujinaya hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.Tallaabadaasina ma ahan mid fudud oo waxaa Bosteeyo kaga horreeysay wadda dheer si ay riyadeeda uga guul gaarto.

inta badan haweenka Soomaalida ee ku nool wadammada reer Galbeedka ayaa aroosyada waxa ay u qaataan dhar iska caadi ah oo aan ka tarjumeyn hidaha iyo dhaqanka Soomaalida, taasina waa midda dhiirigalisay Bosteeyo “Mar walba oo aan tago aroos waxa ay indhaheyga qaban jireen gabadha aroosadda ah oo xiran taash cad, marka waxaan is dhihi jiray ka waran hadii aad sameyso taash uu ku jiro dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida

 Waloow fikirkaas uu ahaa mid wanaagsan, hadana ma ahan mid si fudud looga guul gaari karo, oo waxa ay fikraddu u baahneyd maalgelin iyo waqti, maadama ay Bosteeyo markaa un dhameysay jaamacada

 Alhamdulilahi  hada Bosteeyo Riyadeedi Waa EE U Rumooday waxay hada Furatay Dukan casri ah  
 Naqshadeeyo dharka

Bosteeyo Waxa ay ku talinaysaa in hablaha Soomaaliyeed ay bartaan naqshadeynta casriga ah ee dharka ee hidaha iyo dhaqanka si dunida inteeda kale ay u arkaan dhaqanka Soomaalida, waxa aysa sii raacisay waa howl adag oo u baahan joogtayn iyo samir


BY: SHANTA
Share on Google Plus

About Stylish Hirsi

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment

1 comments:

  1. Love the design, modern African clothing is just what I need.

    ReplyDelete